Dowlada Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aano ka soo baxay shirkii Nabadda ee New York

Dec 13 (Jowhar.com)-Qoraal lagu daabacay Wakaalada Wararka SONNA ayaa lagu sheegay in dowlada Federalka Soomaaliya ay soo dhaweyneyso go’aanadii ka soo baxay shirkii ka dhacay magaalada New York ee looga hadlayay amniga dalka Soomaaliya.

Warkan ka soo baxay dowlada Soomaaliya ayaa lagu yiri;-
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa meel marinta iyo taageeridda Qorsheheeda Horumarinta Amniga ee Shirkii Amniga Soomaaliya ee ka dhacay New York shalay, 12-kii Diseembar 2023 , oo uu shir-guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qatar, Sacuudiga, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska, Mareykanka, Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka soo qeyb galay 28 ka mid ah dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya.”

Qorshaha Horumarinta Amniga waa himilada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah lahaanshaha iyo mas’uuliyadda buuxda ee amniga ka dib sannado badan oo qalalaase uu dalka ku jiray iyo haatan oo ay jirto dib u soo kabasho muuqata. Sidoo kale waa qorshe lagu gaarayo xasillooni siyaasadeed oo ka taaba gasha Soomaaliya.

Waxaa ka mid ah in la dhiso ciidamo karti leh, lala xisaabtami karo, la awoodi karo oo daah-furan iyo hay’ado amni si loo xaqiijiyo gaarsiinta iyo joogtaynta amniga iyadoo lagu hagayo waajibaadka Soomaaliya sida waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Shirka Amniga ayaa lagu soo hadal qaaday horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa madaniga ee ka ymid shacabka is xilqaamey, taas oo keentay in dib looga la wareego argagixisada goobihii muhiimka ahaa ee ay muddo haysteen, isla markaana hoos u dhac uu ku yimid awooddii dhaqaale iyo mid ciidan ee kooxda argagixisada ee Khawaarijta Al Shabab.
Waxa ay sidoo shirkan lagu xusay taageerada Ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo dalalka ay ka yimaadeen ciidamada kala duwan ee isugu jira milateriga iyo booliska ee Soomaaliya ka hawlgala.

Ka qaybgalayaashu waxa ay sidoo kale qireen bilawga dadaallada ku wajahan hannaanka dastuuriga ah ee loo dhan yahay iyo doorashooyinka, kororka dakhliga gudaha iyo ku biiritaanka Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Waxa kale oo ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo dardargelintan socota, waxayna xaqiijiyeen inay taageerayaan Soomaaliya xasilloon, dimuqraadi ah iyo barwaaqo.

Ansixinta Qorshaha Horumarinta Amniga ayaa ku soo beegmaysa maalmo uun kadib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu si aqlabiyad leh ugu codeeyay in xayiraadda laga saaro hubka ay helayso dowladda Soomaaliya iyo ciidamadeeda ammaanka, muddo badan 30 sano oo cunaqabateyn lagu soo rogay.

Codbixintaas waxay ahayd tilmaan dheeraad ah oo muujinaysa kalsoonida beesha caalamka ee ku aaddan awoodda Soomaaliya ay u leedahay in ay si buuxda ula wareegto ciidamadeeda iyo hay’adaha amniga.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa ballan-qaadkii saaxiibada caalamka ee ahaa in ay taageerayaan dadaalladeeda amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha iyada oo doonaysa in ay dhisto Soomaaliya xasilloon oo barwaaqo ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More