Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada wadan

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda China u fadhiya Soomaaliya FEI Yengchao.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Xoojinta Xiriirka laba-geesoodka ah ee labada Dowladood iyo sidii loo dar dargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee dowladda China ka waddo Soomaaliya.

Dowlada Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan waxana kulankan uu imanaya maalmo yar kadib markii ay dowlada Shiinaha ku dhawaaqday inay gargaar siineyso shacabka Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More