Dowladda Dhexe ee Itoobiya oo shaacisay damaca Shabaabkii weeraray gobolka Afdheer.

July 28 (Jowhar.com)-Dowladda Dhexe ee dalka Itoobiya ayaa markii ugu horraysay soo saartay war-saxaafadeed ay uga hadlayso dagaalkii dhawaan dhex maray Al-Shabaab iyo ciidamada Dowlad Deegaanka oo gacan ka helayay militeriga federaalka Itoobiya.

War-murtiyeedkan oo ahaa mid la sugayay in muddo ahba ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab la gaarsiiyay khasaare xooggan. Waxaa kale oo lasoo tebiyay inay sii badanayso tirada xubnaha Al-Shabaab ee lagu qabanayo gudaha Itoobiya, gaar ahaan gobolka Afdheer.

“Al-Shabaab damacoodu waxa uu ahaa in ay ka gudbaan deegaanka Ceel-Karri si ay u gaaraan dhulka jooggiisu sarreeyo ee ka billowday halkaas iskuna xira deegaannada Soomaalida iyo Oromada si ay khalkhal u sameeyaan jabhadna halkaas uga noqdaan iyagoo ku biiraya kooxda Shene,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay dowladda dhexe.

Ururka Shene oo qayb ka ah dhaqdhaqaaqyada Oromada ayay dowladda Itoobiya u aqoonsan tahay urur argagixiso ah.

Waxyaabaha kale ee war-saxaafadeedka lagu sheegay waxaa ka mid ah in Itoobiya ay gacanta ku dhigtay saddex ka mid ah qalabka isgaarsiinta ee ay Al-Shabaab adeegsanayeen, kuwaasoo la sheegay in ay tiradooda guud ahayd afar.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More