Dowladda Ingiriiska oo safiir cusub usoo magacawday Soomaaliya

Apr. 18 (Jowhar.com)-Dowladda Ingiriiska ayaa bedeshay safiirkeedii Soomaaliya, waxeyna usoo magacawday safiir cusub, sida ay sheegtay wasaarada arrimaha dibadda dalkaasi.

Safiirka cusub Michael Nithavrianakis oo xafiiska la wareegaya bisha May ee nagu soo foolka leh waxa uu bedelayaa Ms Kate Foster oo sanadihii lasoo dhaafay xilkan heysay.

Safiirka cusub ayaa shaqooyin kala duwan oo diblumaasiyadeed kasoo qabtay dalal kala duwan oo ay kamid yihiin Pakistan, Ghana, Sacuudiga Carabiya, Talyaaniga, Giriiga iyo kuwa kale.

Dowladda Ingiriiska ayaa kamid ah dalalka sida dhaw u taageera Soomaaliya, iyagoo malaayiin doolar ku bixiya fulinta mashaariicyo horumarineed iyo dhismaha ciidamadda amniga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More