Dowladda Itoobiya oo soo bandhigtay khasaaraha soo gaaray iyo ujeedka ay u socdeen Shabaab.

July 23 (Jowhar.com)-Dowladda Itoobiya ayaa faah faahin ka bixisay khasaaraha askarteeda ka soo gaaray weerar Arbacadii kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday deegaanada Yeed iyo Caato ee gobolka Bakool, iyadoo dagaalkaas ay ku naf waayeen dad gaaraya 100 ruux oo dhinacyadii dagaalamayay iyo shacab isugu jira.

Sarkaal sare oo Itoobiyaan ah ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in 17 askari oo booliska Itoobiya kamid ah looga dilay weerarka, isagoo dhinaca kale sheegay in dhankooda ay Al-Shabaab ka dileen 63 dagaalyahan, gaadiid iyo hub fara badanna ay ka furteen.

Sababta Shabaab ay u weerareen deegaanadan dhaca xadka Itoobiya ayuu ku sheegay inuu qorshohooda ahaa sidii ay u gudbin lahaayeen Sarkaal Shabaab u qaabilsan qorista unuguo kamid ah kooxda oo laga hirgaliyo gudaha Itoobiya, waxa uu sidoo kale tilmaamay in kooxda ay u socotay aargoosi, maadaama dhawaan laga dilay sarkaal sare.

Si kastaba, Afhayeenka militariga Al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab ayaa horey u sheegay in dagaal-yahanada ay qabsadeen Yeed iyo Caato, ayna dileen 87 askari oo Liyuu Boolis ah. Al-Shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigtay sawirro ay ku sheegtay khasaaraha dagaalka.

Deegaano kamid ah gobolka Afdheer waxaa wali ka socda howlgal ay wadajir u sameynayaan ciidanka dowlad deegaanka ee Liyuu boolis iyo kuwa dowladda federaalka, iyagoo baadi goobaya xubno Shabaab kamida oo baxsaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More