Dowladda iyo maamul goboleedyada oo shir xaaaasi ah uga furmay Muqdisho.

Sept. 05 (Jowhar.com)-Wararka naga woo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta Shir uga furnay Wasiirada Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada.

Shirkan ayaa looga hadlayaa nidaamka maaliyadda dalka iyo gadoodkii Wasiirada Maaliyadda DG ee sababay inay wadajir ugu dhawaaqaan joojinta wada shaqeyntii kala dhaxeysay Wasaaradda Maaliyadda DFS.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya ayaa gudoominaya shirkan, waxaana ku sugan dhamaan wasiirada Maaliyada dowlad goboleedyada oo shirkan u yimid magaalada Muqdisho, iyadoo gaba-gabada shirka laga soo saari doono war-murtiyeed ay ku cad yihiin qodobada ka soo baxa shirka.

Si kastaba, shirkan ayaa noqonaga kii u horeeyay ee ay isugu yimaadaan wasiirada maaliyada dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, waxaana qabsoomida shirkan sabab u ahaa go’aankii cuslaa ee ay qaateen shanta maamul gobleed, kaasoo buuq hor leh ku furay dowladda dhexe.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More