Dowladda Japan oo warqadaha safiirnimo ka gudoontay Amb. Hodan Cismaan

0
65

Aug 18 (Jowhar) Dowladda Japan ayaa si rasmi ah uga guddoontay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee Amb. Hodan Cismaan, oo ah safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalkaas. Amb. Hodan Cismaan ayaa sidoo kale ah danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha.

Munaasabadda guddoominda waraaqaha aqoonsiga ayaa ka dhacday xarunta wasaarada arrimaha dibadda ee Japan, iyadoo halkaas uu kaga guddoomay Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Waa markii u horreysay oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay danjire rasmi ah u dirto Japan tan iyo sanadkii 1987-kii, taasoo xoojineysa xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Safaaradda cusub ee Soomaaliya ee Tokyo ayaa lagu wadaa inay ka shaqeyso kor u qaadista xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo iskaashiga caalamiga ah.