Dowladda Kenya oo shaacisay xiliga Soomaaliya ay fasaxeyso Qaadka

June 19 (Jowhar.com)-Dowladda Kenya ayaa bixisay macluumaad dheeraad ah oo ku aadan xiliga dowladda Soomaaliya ay fasaxeyso Qaadka ka soo go’a beeraha dalkaasi ee loo soo dhoofin jiray Soomaaliya, si loogu suuq geeyo.

Wasiirka Beeraha dalka Kenya Peter Munya oo u waramay wargeyska THE STAR ayaa sheegay in 5-ta bisha soo socota ee Luulyo dib loo fasixi doono Qaadka oo suuqooda ugu weyn ahaa Soomaaliya, iyadoo mudada labada sano ee hakadka ku jiray hoos u dhac balaaran ku yimid dhaqaalaha dalkaasi.

Wasiirka ayaa sheegaya in heshiiska lagu saxiixi doono magaalada Nairobi oo ay tagi doonaan dalkaasi laba todobaad gudeheed madax sare oo kasocota dowladda Soomalaiya, Munya ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo waxa ay Soomaaliya ku bedelaneyso dib u furida suuqii Qaadka ee wadankaasi Kenya.

Si kastaba, Dowladdii uu hoggaaminayay madaxweyne Farmaajo ayaa 19-kii Maarso sanadii 2020 hakisay Qaadka Kenya, iyadoo sabab uga dhigtay cudurka Covid19, waxaana mudadaas dhexdeeda cirka sii galay khilaafka dhinaca badda oo sababtay in safaaradaha lakala qaato, iyadoo dhowr jeer uu fashilmay wadahadal lagu doonayay in Qaadka la fasoxo, maadaama suuqa kaliya ay heystaan uu ahaa midka Soomaaliya oo la keeni jiray 50 Tan oo Qaad ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More