Sept 04 (Jowhar)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iska fogeysay wararka sheegaya in duqeyn cirka ah lagu qaaday guriga Taliye Shub oo ku yaalla degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sheegtay in dhacdada ay ka dhalatay qarax gudaha ah, iyadoo dowladda ay caddeysay in aysan wax lug ah ku lahayn dhacdada.
Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in xogta hordhaca ah ee ay hayso hay’adaha amniga muujineyso in qaraxu ka dhashay waxyaabo qarxa oo lagu diyaarinayay gudaha guriga.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay si degdeg ah u sameynayso baaritaan dhab ah oo dhammeystiran, si loo xaqiijiyo sababta dhabta ah ee dhacdada, iyadoo ballanqaadday in natiijada baaritaanka lala wadaagi doono shacabka Soomaaliyeed.
Doolow ayaa ka mid ah deegaanada muhiimka u ah amniga iyo isku-socodka gobolka Gedo, waxaana dowladda ay sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda magaalada iyo badqabka shacabka ku nool.





