Dowladda oo sheegtay in 27 Shabaab ah ay ku dishay holwgal ka dhacay Galmudug

Sep 23 (Jowhar.com)-Xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay deegaanada Miliqo iyo Baalal dheer oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud kadib howlgal culus oo ay sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadan ay dileen 27 ka tirsan Shabaab oo isugu jira saraakiil iyo dagaal yahano, iyadoo sidoo kale ciidamada ay burburiyeen gaadiid iyo saanad ciidan oo ay wateen xubnaha Shabaab ee howlgalka lagu khaarajiyay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda e ehowlgakan fuliyay ayaa sheegay iney sii wadayaan baacsiga xubno Shabaab ah oo howlghalkan ka badbaaday, iyagoo sheegay ineysan joojin doonin gulufka ku foorara kooxdan.

Howlgalkan oo sidoo kale qeyb ay ka ahaayeen saaxiibada caalamka ee dowladda taageera ayaa lagu bartilmaameedsaday sadax xarumood oo ku yaala deegaanada Miliqo iyo Baalal dheer ee dowlad goboleedka Galmudug.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More