Dowladda oo soo xirtay Jeneraal Sheegow iyo askartii la socotay

Aug. 19 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamadda dowladda Soomaaliya ay gacanta kusoo dhigeen jeneraal Sheegow oo ah sarkaalka hoggaaminayay ciidamadda milatariga ee tan iyo xalay degmada Dharkiinleey kula dagaalamayay ciidamadda dowladda.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadda dowladda ay Jeneraalka lasoo qbateen 25 askari oo uu watay, kuwaasoo haatan lagu hayo xabsi gaar ah.

Saraakiisha ciidamadda booliska ayaa goordhow isugu yeeray warbaahinta, iyadoo la filayo iney faah faahin ka bixiyaan dagaalka, khasaaraha a dhashay iyo waxa laga yeelayo sarkaalkaasi.

Ciidanka Jeneraalka waxaa tan iyo xalay la dagaalamayay ciidamadda boolis milatari ee loo xilsaaray xasilinta caasimadda, iyadoo la isu adeegaaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Jeneraal Sheegow iyo askartiisa loo gidbin doono maxkamada ciidamadda qalabka sida.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More