Dowladda Shiinaha oo soo bandhigtay kaalinta ay ka qaadaneysa gurmadka Abaaraha dalka

June 06 (Jowhar.com)-Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaliya, Ambassador FEI Shengchao.

Ergeyga iyo Safiirka, ayaa ka wada hadlay, sida dowladda China qeyb kaga qaadan lahayd gurmadka ay sida degdegga ah ugu baahan yihiin malaayiinta Soomaaliyeed ee abaaraha daran aafeeyeen iyo ka wada-shaqeynta sidii looga hor tagi lahaa in xaaladdu isku baddeshu macluul.

Danjire FEI Shengchao, ayaa Ergeyga u ballan qaaday wada shaqeyn buuxda iyo in dowladdiisu u istaagi doonto, dardar galinta wax ka qabashada abaaraha, si loo samatabixiyo, dadka gargaarka u baahan ee abaaruhu waxyeelleeyeen.

Ugu danbeyn, Ergayga ayaa ka mahad celiyay xiriirka qaddiimiga ah ee ka dheexa labada waddan, kaasoo ah midka ugu waqtiga dheer ee dal ku yaalla Afrikada Bari la leeyahay Shiinaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More