Dowladda Soomaaliya oo cadeysay mowqifkeeda in maamul gaara loo sameeyo SSC

Oct 19 (Jowhar.com)-Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warsaxaafadeed rasmi ah oo kuwajahan Aqoonsiga maamul ee deegaanada SSC-Khaatumo.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay aqoonsan tahay bayaanka Isimadda SSC-Khaatumo ay soo saareen 6-dii Feb, kaas oo sheegayay in aysan katirsaneyn maamulada Puntland iyo Somaliland, balse ay hoostagaan dawladda Federaalka.

Mawqifka dawladda Federaalka ayaa ah aqoonsiga maamulka KMG ah, taas oo faa’iido weyn u leh dadka deegaanada SSC-Khaatumo, tani waxay soo afjaraysaa doodihii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More