Dowladda Soomaaliya oo Casriyeeysay Hannaanka Canshuur Uruurinta Gaadiidka

0
44

Aug 16 (Jowhar)Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in Wasaaraddu hirgalisay nidaam casri ah oo ku shaqeynaya kaamirooyin dijitaal ah, kuwaas oo lagu ogaan doono gaadiidka aan bixin canshuuraha dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshahan cusub uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo dhaqaalaha dalka iyo ka hortagga gaadiidka ka dhuunta bixinta canshuurta.

Wasiirku wuxuu xusay in magaalada Muqdisho ay ka howlgalaan in ka badan 60 kun oo gaadiid ah, hase yeeshee ay 25 kun oo kaliya yihiin kuwa sida rasmi ah uga diiwaangashan wasaaradda.

Tani waxay ka dhigan tahay in 50% inkabadan badan oo gaadiid ahi aysan ku jirin nidaamka canshuur bixinta, taas oo wiiqaysa dakhliga dowladd.

Nidaamkan cusub ayaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo gaadiidka aan bixin canshuurta, in si casri ah loo diiwaangeliyo dhammaan gaadiidka ka shaqeeya magaalada iyo in la kordhiyo dakhliga dowladda ee laga helo canshuuraha gaadiidka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa ugu baaqay shacabka iyo darawallada gaadiidka inay si buuxda ula shaqeeyaan nidaamka cusub, si looga wada faa’iidaysto adeegyada dowladda oo ku tiirsan canshuuraha shacabka.