Monday, March 23, 2026
Home NEWS Dowladda Soomaaliya oo ciidamo dheeraad ah geysay Baraawe iyo Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo dheeraad ah geysay Baraawe iyo Buurhakaba

119
Screenshot

Mar 23(Jowhar)-Dawladda Soomaaliya ayaa maanta ciidan dheeraad ah u daabuleysay magaalooyinka Baraawe & Buurhakaba, halkaas oo ay kudiyaarinayso ciidamo loogu talogalay in ay duulaan ku qaadan magaalada Baydhabo.

Xubno ay kamid yihiin wasiiro xukuumada katirsan & Safiirka Soomaaliya ee Tansaaniya ayaa la hadlay ciidamo lays kugu keenay oo kusugan Buurhakaba, kuwaas oo loo sheegay in ay u diyaar noqdaan weerar lagu qaado magaalada Baydhabo.

Xubnaha DFS kasocda ayaa u sheegay ciidanka ay la hadleen in ay dib u dhisayaan maamulka Koonfur Galbeed, oo ay ka xoreynayaan maamulka hadda jooga, oo ay sheegeen in ay dawladda Faderaalka ka horyimaadeen.

Dhinaca kale Baraawe ayaa la geynayaa ciidamo dheeraad ah, iyadoo hadda inta badan la diyaariyey 4tii maalmood ee lasoo dhaafay ciidamo laga soo kala saaray xoogga dalka oo lageynayo deegaano ay horey dagaalo uga dhaceen oo gobalka Shabeelaha Hoose, kuwaas oo lahaanshiyaha la xariira.