Sunday, February 1, 2026
Home NEWS Dowladda Soomaaliya oo dib u celisay ilaaladii Deni iyo Madoobe

Dowladda Soomaaliya oo dib u celisay ilaaladii Deni iyo Madoobe

1

Feb 01(Jowhar)-Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo wargal ah Dawladda Faderaalka ayaa amartay in dib Garoowe & Kismaayo loogu cesho  diyaarado soo qaaday ilaalada madaxda Puntland iyo Jubbaland.

Masuuliyiinta Hay’adda Duulista Hawada ayaa amar toos ah ka helay madaxda sare ee DFS, sidaasna uu kusii amray in aysan jiri karin diyaarado dambe oo kasoo duuli kara labada magaalo.

Shirar deg deg ah ayaa kasocda Muqdisho, kaas oo la xariira sidii arrintan wax looga qaban lahaa.