Dowladda Soomaaliya oo Ingiriiska kala hadashay qaadista cunaqabateynta hubka

Mar. 05 (Jowhar.com)-Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay waxyaabaha uu kala hadlay sii hayaha Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska, Ed Barnett oo uu kula kulmay magaalada Muqdisho.

Wasiir C/qaadir Jaamac ayaa tilmaamay in Ed Barnett uu kala hadlay sidii dowladda Ingiriisna ay u laba jibaari leheyd taageerada ay ka geysato dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo garab istaaga dowladda.

Waxa uu tilmaamay inuu si gaara ugala hadlay inay dowlaadda Soomaaliya ka taageeraan sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka muddada fog saaran, arrinkaas oo uu wasiirku sheegay inay laf-dhabar u tahay dadaalka loogu jiro ciribtirka Alshabaab.

Sii hayaha Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire Ed Barnett ayaa dhankiisa bogaadiyey howl-gallada ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya ee lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More