Dowladda Soomaaliya oo kala hadashay WFP Isuduwidda Howlaha Gargaarka

0
30

Nov 08(Jowhar)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisallaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa Elkhidir Daloum, Wakiilka ahna Agaasimaha Hay’adda Qaramada Midoobay ee Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ee qaabilsan Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyadoo loo eegayo waxyaabaha mudnaanta qaran u leh Soomaaliya, gaar ahaan ka jawaab-celinta xaaladaha bini’aadantinimo, amniga cuntada, iyo horumarka waara.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa dadaallada wadajirka ah ee lagu dabooli lahaa baahiyaha bulshooyinka nugul iyo taageeridda barnaamijyada dhisidda adkeysiga ee dalka oo dhan.