Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday howlgal cusub ay ugu magac dartay “Ciiltire”
Apr. 18 (Jowhar.com)-Mas’uuliyiinta hay’adaha amaanka ee dalka ayaa maanta kulan gaar ah oo ku saabsan amniga magaalada Muqdisho isugu yimid xarunta Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Kulanka oo uu shir gudoiminayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Maxamed Cali Xagaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha gobolka Banaadir, taliyaha booliska, Agaasimaha NISA,Gudoomiyaha maxkamada ciidamadda iyo saraakiil kale.
Kulanka waxaa intiisa badan diirada lagu saaray Xoojinta Amniga iyo Hirgelinta Xeerka Xakameynta Hubka Caasimada, iyadoo lagu dhawaaqay howlgalo culus.
Intii kulanku socday waxaa warbixino looga dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada isku dhafka ah ee Howlgalka Ciiltire sida ;- Boliiska, Nabadsugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare oo si xoojin ah ula shaqeynaysa Ciidanka Amaanka. Sidoo kale, Maamulka Gobolka Banaadir oo ku hadlayay afka shacabka Caasimada ayaa soo dhaweeyay Howlgalka Ciiltire una mahadceliyay hay’adaha Qeybta ka ah sugida iyo xoojinta Amniga.
Xeerka Xakameynta Hubka Caasimada, ayaa isna la falanqeeyay lana sharaxay sida loo fulinayo, Guddoonka Maxakamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa si faahfahsan uga hadlay fulinta xeerkan si Amniga iyo Xasiloonida loo xaqiijo.