Thursday, April 2, 2026
Home NEWS Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku xirtay Wariye Xaafid Nuur

Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku xirtay Wariye Xaafid Nuur

99

Apr 02(Jowhar)-Ciidamo isugu jiro boolis iyo Nabad Sugid ayaa xalay maqaaxi ku taala nawaaxiga Saldhigga Waaberi ka xirtay wariye Cabdi Xaafid Nuur Barre oo kamid ah Suxufiyiinta ugu firfircoon ee ka howlgasha magaalada Muqdisho.

TV-ga Somali Cable ee uu wariyaha ka howlgalo ayaa falkan ku sifeeyay Afduub, iyagoo dalbaday in si shuruud la’aan ah xoriyadiisa loosiiyo.

Siyaasiyiin ay kamid yihiin Farmaajo, Khayre, Abdiraxmaan Cabdishakuur iyo Dr.Koofi ayaa falkaasi ku sifeeyay mid xadgudub ku ah xoriyada saxaafada, waxeyna ka digeen sii socoshada caburinta lagu hayo wariyayaasha iyo warbaahinta madaxa banaan.

Waa markii labaad ee laamaha amaanka xirtaan wariyahan, iyadoo aaney ilaa iyo hadda soo bandhigin falkan loo heysto Suxufigan.