Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xiliga ay xireyso maxkamadaha ay maamulaan Shabaab.

August 19 (Jowhar.com)-Dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadkan shaacisay in ay qorsheyneyso in ay la dagaallanto maxkamadaha ay maamulaan Al-Shabaab, iyada oo Wasiirka arrimaha gudaha uu qiray in dad badan oo Soomaali ah ay caddaalad u raadsadaan Shabaabka, maadaama nidaamka sharci ee Soomaaliya uu yahay mid daciif ah.

Laakiin khubarada ku xeel-dheer arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in xiritaanka maxkamadahan aysan noqon doonin hawl fudud.

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay todobaadkaan inay dowladdu qorsheyneyso inay dagaal la gasho maxkamadaha qarsoodiga ah ee Al-Shabaab ay ka maamusho, kuwaas oo ku yaal magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Wuxuu sheegay in labada sano ee soo socota ay dowladdu xiri doonto maxkamadaha Al-shabaab.

Wuxuu intaa ku daray inay jiraan dad u taga Maxkamadaha Al-Shabaab si ay u helaan Caddaalad, maadaama aysan fulin go’aannada Maxkamadaha Dowladda, waxaana uu sheegay inay xiri doonaab kuwa ku yaalla hareeraha magaalada Muqdisho oo ay ku jirto midda Basra ee duleedka degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More