Dowladda Soomaaliya oo warqad Dacwo ah u dirtay Dalka Kenya.

June 14 (Jowhar.com)-Safarada Soomaaliya ee Dalka Kenya ayaa warqad dacwa ah u dirtay Kenya, iyadoo ay ku eedaysay in ay ku Xadgudubtay Madax Banaanida Soomaaliya.

Qoraalka oo luuqad adag lagu qoray ayaa lagu sheegay in Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Tarsan inuu ka baxay markii sida dal madaxbanaan somaliland loogu casuumay shirka sanadlaha ah ee uhuru u jeediyo diblmaasiyiinta ku sugan Nairobi.

Warqadda Cabashada ayaa Kenya looga dalbaday in ay sharraxaad dhameystiran ka bixiso sababta Somaliland oo ka mid ah Somalia wakiil ugu yeelatay shirkaas,Taas oo xadgudub ku ah madaxbanaanida,midnimada dhuleed iyo dadeed ee soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More