Dowladda Sucuudiga oo balanqaad culus u sameysay maamulka gobolka Banaadir

Dowladda Sucuudiga oo balanqaad culus u sameysay maamulka gobolka Banaadir

Mar. 22 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Wafdi uu hogaaminayo uu ka kid yahay Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada oo safar shaqo ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan la qaatay Madaxa Sanduuqa Horumarinta dalka Boqortooyada Sacuudiga Sultan Abdulrahman Al-Marshad.

Guddoomiye Madaale ayaa Madaxa (SFD) Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad, kala hadlay sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen Qorshayaasha Hor-tabinta u leh Dowladda Hoose ee Xamar iyo Barnaamij-yada Horumarineed ee Caasimadda, taasi oo ay ugu horeyso Horumarinta Kaabayaasha Adeegyada Aasaasiga sida Caafimaadka, Waxbarashada, Dib-u-dhiska Caasimadda iyo Horumarinta Magaalada Muqdisho.

Madaxa Sanduuqa Horumarinta dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad, ayaa balan qaaday in Sanduuqa (SFD) uu Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar kala shaqeyn doonno Arrimaha Horumarinta iyo Adeegyadda Aasaasiga ee wax-tarka u leh Bulshada Caasimadda Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More