DR Congo oo ogolaanaysa in ciidamada Uganda ay gudaha u galaan dalkeeda si ay ula dagaalamaan fallaagada ADF

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa u oggolaan doonta ciidamada hubaysan ee ka socda Uganda inay galaan dalkeeda si ay uga daba tagaan fallaagada lagu eedeeyay inay weeraro qaraxyo ah ka geysteen gudaha dalka Uganda.

Kooxda Allied Democratic Forces (ADF) ee ugu halista badan kooxaha hubaysan ee ka hawlgala bariga qani ku ah macdanta ee DR Congo, ayaa lagu eedeeyay tobanaan weerar inay ka geysteen gudaha Uganda.
“Madaxwaynaha Felix Tshisekedi waxa uu oggolaaday in ciidamada Uganda loo ogolaado in ay galaan dhulka Congo si ay u baacsadaan argagixisada ADF iyaga iyo ciidamada Qaramada Midoobay,” sida uu lataliyaha madaxweynaha u sheegay wakaalada wararka ee AFP.

Laakin ciidamada Uganda kama gudbi doonaan xuduuda si dhaqso ah, waa in marka hore la ixtiraamaa nidaamka dowliga, gaar ahaan marka la eego baarlamaanka iyo taliska milatariga DR Congo,’ ayuu sii raaciyay.
Antipas Mbusa Nyamuisi, oo ah afhayeenka deegaanka ee qowmiyada Nande, ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in ciidamada difaaca Uganda la siiyay fasax, si ay ugaarsadaan dagaalyahanada ADF ee ku sugan dhulka Congo.

Diblomaasi reer Yurub ah ayaa xaqiijiyay warkan, isagoo u sheegay AFP: ‘Waxaa nalagu soo wargeliyay in madaxweyne Tshisekedi uu u fasaxay ciidamada Uganda inay ka gudbaan xadka si ay ula dagaalamaan ADF.’
Sida laga soo xigtay laba ilo diblomaasiyadeed oo ku sugan Kampala, ciidamada Uganda ayaa durba isku diyaarinaya inay galaan bariga DRC si ay ula dagaalamaan ADF.

‘Saraakiisha Kongo iyo Uganda waxay durbaba maalin walba ka wada shaqaynayaan Xarunta Hawlgallada Wadajirka ah iyagoo is dhaafsanaya wararka sirdoonka” ilo ka tirsan dowladda Congo ayaa u sheegay AFP.

Labada gobol ee bari ee Waqooyiga Kivu iyo Ituri ayaa ku jiray xaalad go’doomin tan iyo bishii May, si ay u xoojiyaan weerarada militari ee ka dhanka ah fallaagada, iyadoo askartu ay bedelayaan shaqaalaha rayidka ah ee xarumaha muhiimka ah.

ADF waxay soo bilaabatay sagaashamaadkii iyagoo isbahaysi ka kooban kooxo hubaysan oo Ugaandha, oo ay ugu weyn yihiin Muslimiin, kuwaas oo ka soo horjeeday madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

ADF, oo Maraykanku si rasmi ah ula xiriiriyay kooxda dawladda Islaamiga ah (IS), ayaa saldhigyo ka dhigatay bariga DRC 1995, gaar ahaan Rwenzori ee Waqooyiga Kivu.

Bishii Abriil 2019, IS waxay bilowday inay sheegato qaar ka mid ah weerarrada ADF ee baraha bulshada, iyagoo u soo bandhigay kooxda inay tahay laanteeda gobolka.

Go’aanka ah in ciidamada Uganda ay soo galaan dalkaasi ayaan la dhacsanayn dad badan oo reer Congo ah oo ka xumaaday doorkii ay qaateen dalalka deriska la ah Uganda iyo Rwanda ku dhawaad 30-kii sano ee la soo dhaafay.

Ciidamada Rwanda iyo kuwa Uganda ayaa ku dagaalamay sanadkii 2000 dagaal ka dhacay Kisangani, oo ah xudunta ugu weyn ee macdanta laga qodo ee waqooyi bari DRC 2000, halkaas oo ay dad badan ku dhinteen.

Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kooxaha bini’aadantinimada ayaa si joogto ah Uganda iyo Rwanda ugu eedeeyay inay taageeraan kooxaha hubaysan ee ka hawlgala bariga DR Congo.

Uganda ayaa ADF ku eedeysay ugu yaraan laba qarax oo ismiidaamin ah bishii November, horraantii Oktoobar Rwanda waxay sheegtay inay xirtay 13 ka tirsan mintidiinta ADF, kuwaasoo ay sheegtay inay qorsheynayeen weeraro ka dhaca DRC.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More