Duqa Muqdisho iyo wafdi uu hoggaaminayay oo gaaray dalka Sucuudiga

Duqa Muqdisho iyo wafdi uu hoggaaminayay oo gaaray dalka Sucuudiga

Mar. 19 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Riyaad ee Caasimadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasha rasmi ah.

Wafdiga ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Magaalada Riyaad masuuliyiin ka tirsan dowladda hoose ee Riyaad iyo Dajiraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya u jooga dalka Sacuudiga.

Iyada oo xubnaha wafdiga gaaray dalkaas Sacuudiga uu kamid yahay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa inta uu joogo dalka Sacuudiga, waxa uu kulamo lagu xoojinayo iskaashiga labada Caasimadood la yeelan doonaa Amiirka magaalada Riyaad iyo madaxda dowladaha hoose ee dalkaas.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More