Duqa Muqdisho Madaale  oo dhagax dhigey Dhismo Waddo Laami ah

Aug. 14 (Jowhar.com)- Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddo Laami ah ah isku xirta Waddooyinka Suuq Bacaad iyo Janaraal Daa’uud ee degmada Yaaqshid.

Hirgalinta dhismahaan oo qeyb ka ah mashruuca dalkaaga ku dhiso hal Dollar ayaa fulinteeda waxaa iska kaa shaday Maamulka Degmada Yaaqshid, bulshada deegaanka iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha oo waddooyinka ugu horeeyaan.

“Mashruuca dalkaaga ku dhiso hal dollar waxaan ku dhisi doono kaabayaasha dhaqaalaha caasimadda oo ay ugu horeyso dhismaha wadooyinka”.ayuu yiri Madaale oo hadal ka jeediyey munaasabada dhagax dhiga.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wadad dadaalo lagu hormarinayo kabayaasha dhaqaale dalka oo qeyb kayihin waddooyinka oo uu maamulka dib u dhis iyo dayactirba ku sameeyay waddooyin dhowr ah ee ku yaal Caasimadda.

Dhismaha ilaa lix wado ayaa horey uga socday magaalada Muqdisho kuwaasoo burbursanaa muddo dheer, waxaana dhismahooda iska kaashanaya Maamulada Degmooyinka, bulshada degaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana weli jira wadooyin kale oo burbur xoogan uu ka muuqdo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More