Duqa Muqdisho Madaale oo soo saaray awaamir kale oo culus

May. 01 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Mabnuucay isticmaalka iyo ka ganacsiga Shiishada, Taabuuga, Qamriga, Calaqa iyo Xashiishka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale amray in xiliga habeenka waxii ka dambeeyay 12:00 aysan furnaan karin goobaha lagu caweeyo.

Amarkan ayuu Duqa Magaalada Muqdisho ka sheegay kulan uu Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kula qaatay ganacsatadii laheyd xarumihii dhawaan uu xiray Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More