Duqa Muqdisho oo Aqalka Dowlada Hoose ku soo dhaweeyay Wafdi ka socda Bulshada Bariga Afrika

Feb. 03 (Jowhar.com)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku soo dhaweeyay xubno ka socda Bulshada Bariga Afrika “East African Community” oo maalmahaan Muqdisho u joogay howla shaqo.
Munaasabadan soo dhaweynta ah waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Xubnahaan sare ee Aqalka Dowladda Hoose lagu soo dhaweeyay ayaa mudda Todobaad ah Muqdisho u joogay si ay u qiimeeyaan u diyaargarowga in Soomaaliya ay ku biirto Bulshada Bariga Afrika, oo ku mideysan yihiin Dalalka Kenya, Uganda, Tanzania, DR Congo, Rwanda, Burundi iyo South Sudan.

Goobta soo dhaweynta ka socotay ayaa lagu soo bandhigay waxyaaba ka turjumaya astaamaha dhaqankeena suuban ee Soomaalida, gaar ahaan Aqal Soomaaliga, Dharka hidaha iyo dhaqanka, Ciyaara dhaqmeed iyo Cuntooyinka Wadaniga ee uu dalkeena Hodanka ku yahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More