Duqa Muqdisho oo gaarsiiyay Xoolo nool taliska qeybta 21aad

Aug 28 (Jowhar.com)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku wareejiyay Toban Halaad oo Geel ah oo loogu talagalay ciidamada geesiyaasha qaranka ee ku sugan furimaha dagaalka.

Munaasabadda deeqda lagu wareejinaye ayaa ka dhacday Saldhiga Magaalada Dhuusa Mareeb ee Caasimadda Galmudug,iyadoo ay goobjoog ahayeen Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug, Taliyaha qeybta Boliiska, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) waxa uu sheegay in had iyo jeer uu garab taagan yahay Ciidamada qalabka ee ku howlan ciribtirka Khawaarijta.

Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xooga dalka Korneel Cabdi salaad Cali iyo Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ayaa Guddoomiyah ugu mahadceliyay sida uu marwalba isugu howlo garab istaaga ciidamada qalabka sida.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More