Duqa Muqdisho oo gudoomiyay kulan ku saabsan amniga iyo doorashooyinka

0
124

Nov 02(Jowhar)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo guddoomiyey shirka todobaadlaha ah.

Ayaa ugu baaqay Maamullada Degmooyinka Caasimadda in ay dardargeliyaan ilaalinta bilicda iyo nadaafadda magaalada, ka-qaybqaadashada dadaallada lagu xoojinayo amniga, iyo u-diyaargarowga Doorashada Golaha Deegaanka ee dhowaan ka dhici doonta Muqdisho.

Dr. Muungaab oo shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamullada Degmooyinka, ayaa si gaar ah uga hadlay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah xal loogu helo caqabadaha ka jira dhanka bullaacadaha, biyo-mareennada, iyo boosaneerrada si sharci-darro ah looga dhustay waddooyinka. Waxa uu sheegay in arrintaasi ay sii kordhiso khatarta fatahaadaha xilliyada roobabka marka ay xirmaan biyo-mareennada magaalada.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay abaabulka iyo isku-duwidda bulshada si looga qaybqaato u-diyaargarowga Doorashada Golaha Deegaanka, isaga oo ku boorriyay shacabka iyo hay’adaha amniga in ay si dhow uga wada shaqeeyaan sugidda nabadgelyada iyo ka-hortagga kooxaha amni-darrada sameeya.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Yabooh, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud, Agaasimayaal, iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Caasimadda.