Duqa Muqdisho oo magacaabay guddoomiyaha cusub degmada Deyniile

May 25 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa u magacaabay guddoomiyaha degmada Deyniile Cabdishakuur Abuukar Macalin (Rooble) oo ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiyihii degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa ka mid noqday xildhibaanada golaha shacabka waxana uu baneeyay xilkaas maadaama u noqday xildhibaan.

Mas’uulka loo magacaabay xilkan Cabdishakuur Abuukar Macalin (Rooble) ayaa hore u soo noqday guddoomiye ku-xIgeenka degmada Warta nabada (Ex-Wardhiigley) xiligii uu maamulka gobolka Banaadir gudoomiyaha ka ahaa Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Halkan hoose ka aqriso wareegtada lagu magacaabay guddoomiyaha cusub ee Deyniile.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More