Duqa Muqdisho oo sheegay in la xiray ciidamadii ku dagaalamay Siinaay

Feb. 28 (Jowhar.com)-Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa kormeeray Isgoyska Siinaay.

Halkaasoo xalay uu dagaal ku dhexmaray ciudamo ka wada tirsan dowladda, dagaalkaasi oo ay ku naf waayeen kudhowaad 10 ruux oo askar iyo shacab isugu jiray.

Mr. Jimcaale oo uu garab taagnaa taliyaha NISA ee gobolka Banaadir Muxudiin Warbac ayaa sheegay iney xabsiga dhigeen dhamaan ciidamadii ku sugnaa Kontrolka Siinaay ee NISA iyo boolis isugu jiray, iyagoo ku xiran xabsiga Godka Jilicoow oo lagu weydiinayo su’aalo la xiriirta sida ay wax u dheceen.

“Dhacdadii xanbuunka badneyn ee meeshaan ka dhacday kulli ciidanki halkan joogay ama Boolis ahaa ama hay’adihii kale ee amniga xabsigaa la wada geeyay baaritaan ayaana lagu jiraa CID iyo Maxkamadda Ciidamada ayaa lagu wareejiyay,” ayuu yiri gudoomiyaha

Duqa Muqdisho ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin dagaalada soo noq noqday ee ciidamadda dowladda ku dhexmara gudaha magaalada, taasoo khasaaraha ugu badan gaarsiisa shacabka lagu dul dagaalamo, wuxuuna qiray in ka maamul ahaan ay arrintaas hoos u eegi doonaan.

“Runtii way nagu bateen dhacdooyinka noocaan ah loomana dul-qaadan karo, waana nasiin darro. Marka insha allah dib ayaan isugu laaban doonaan,” ayuu sii raaciyay Madaale.

Si kastaba, dagaalka xalay waxaa ku dhaawacmay gudoomiyaha degmada Yaaqshid Suleymaan Fargax oo ciidankiisa iyo kuwa Kontrolka joogay ay wada dagaalameen, dagaalka ayaa ka dhashay muran labada ciidan dhexmaray.

Dagaalka oo la isu adeegsaday hub uu ku jiro qoriga Baasuukaha ama Sabanka ayaa waxaa ku naf waayay shacab lix ruux gaaraya iyo saddex askari oo laba NISA ka tirsanaayeen iyo mid ilaalo u ahaa gudoomiyaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More