Duqeymo iyo iska horimaad hubeysan oo ka socda gudaha magaalada Qaza

Oct 28 (Jowhar.com)-Duqeymaha Israa’iil ayaa weli sii wada bartilmaameedyada dhowr goobood oo dhulkaas ah,iyadoo sidoo kale laga soo sheegayo in gudaha magaalada Qaza ay ka socdaan dagaal fool ka fool ah oo u dhexeeya ciidamada Israil iyo dagaalyahanada ururka Xamaas.

Israa’iil ayaa mar kale u sheegtay dadka reer Gaza in ay ka guuraan waqooyiga halkaas oo ay sheegtay in Xamaas ay ku hoos dhuuntaan dhismayaal rayid ah.

Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in aysan jirin meel nabdoon, iyadoo bambaanooyinku ay sidoo kale burburiyeen guryo ku yaalla koonfurta dhulka ay dadku ku badan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda hadda ka jirta dhulka deegaanada koonfureed ee loo arko in ay dhab ahaantii dhibaato u geysatay dadka halkan ayaa ah kuwo aad u quus ah oo laga yaabo in ay naftooda iyo xilligan ku waayan.

Gaza waxaa gabaabsi ah cunto, biyo, shidaal iyo daawooyin. Xaaladdooda ayaa ka sii dartay habeenkii Jimcaha markii la jaray adeegyadii taleefoonnada iyo internetka – waxaana xigay duqeymo xooggan oo dhacay habeenkii.

Israa’iil ayaa sheegtay in ciidamadeeda dhulka ay ka dagaalamayaan gudaha Qaza iyadoo ay ku hayso dhulka go’doonsan duqeymihii ugu cuslaa tan iyo markii uu dagaalku billowday. Xamaas ayaa sheegtay in dagaalyahanadooda ay meelo kala duwan kaga hortageen ciidamada Israel.

Warbaahinta caalamiga ah iyo hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in ay lumiyeen xiriirkii ay la lahaayeen shaqaalaha Gaza xilli uu ku dhow yahay in isgaarsiintu hawada ka baxdo.

In ka badan 1 milyan oo carruur Falastiiniyiin ah iyo waalidiintood ayaa ku nool argagax deegaanka go’doonsan, sida ay sheegeen kooxda bini’aadantinimada ee Save the Childreb,

Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay isugu yimaadaan Shir deg-deg ah si ay uga jawaabaan duullaanka dhulka ee Israa’iil ee Gaza.

Imaaraadka ayaa sidoo kale dalbanaya in laga jawaabo xiritaanka shabakadaha isgaarsiinta, sida diblomaasiyiin aan la magacaabin ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Waxa ay sidoo kale baaq u dirtay madaxa gargaarka ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths iyo Philippe Lazzarini oo ah madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka Falastiin.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dowladdiisa ay sameyn doonto wax kasta oo suurtagal ah si maxaabiista ay Xamaas ugu xiran ku soo celiso dalkooda.

Netanyahu ma uusan sameyn wax ballanqaad ah oo ku saabsan heshiis kasta oo is dhaafsi ah laakiin wuxuu u sheegay mas’uuliyiinta qoysaska inay sameyn doonaan wax walba oo ugu soo celin karaan la haystayaasha guryahooda.

Hase yeeshee, Afhayeenka Guutada Al-Qassam Abu Cubeyda ayaa sheegay in duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen Israa’iil ay ku dhinteen 50 maxaabiis ah.

“Qiimaha soo celinta dhammaan maxaabiista ku sugan Gaza waa sii deynta dhammaan maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyada Israel – oo lagu qiyaasay ilaa 6,600 oo qof.”ayuu yiri afhayeenka Xamaas.

“Haddii cadowgu rabo inuu hal mar ku xidho faylkan maxaabiista, diyaar ayaan u nahay. Haddii ay rabto in ay tallaabo-tallaabo u samayso, annaguna diyaar ayaan u nahay taas, sidoo kale.”ayuu sii raaciyay afhayeenku.Ilaa 229 la haystayaal ah ayaa lagu haystaa marinka Qaza, sida ay sheegeen ciidamada Israel.

Hogaamiyaha Turkiga Erdogan ayaa ku tilmaamay ururka Xamaas inuusan ahayn urur Argagaxiso balse ay yihiin koox xoreyn ah. Madaxweynaha Turkiga u sheegay kumanaan ruux oo dhigayay banaanbax loogaga soo horjeedo duqeynta Qaza in dalalka reer galbeedku ay yihiin dambiilayaal waaweyn ayna ka dambeeyaan dilka dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Qaza.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More