Duqeyn ka dhacday deegaan ka tirsan gobolka Bay

Aug. 12 (Jowhar.com)-Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa duqeyn ka geystey deegaanka Buula Fuulaay oo ka tirsan degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay.

Warbaahinta dowlada ayaa lagu sheegay in duqeyntan lagu diley inkabadan labaatan ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab.

Sidoo kale duqeyntan ayaa la sheegay in lagu beegsaday garaash ay gaadiidka dhigtaan Alshabaab,Bar Koontarool iyo xafiisyo ay ku lahaayeen Alshabaab deegaanka Buulo Fuulaay.

Deegaanka Buulo Fuulaay ayaa waxaa ku yaal maxkamad ay Alshabaab ugu yeeraan dadka ku nool magaalooyinka waaweynee maamulka Koofurgalbeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More