Duqeyn loo geystey isbitaalo ku yaal Kharduum iyadoo dagaalku sii xoogeystey

Apr. 17 (Jowhar.com)-Isbitaallo ku yaalla dalka Suudaan ayaa la duqeeyay iyadoo ay socdaan dagaallada u dhaxeeya kooxaha hubeysan ee iska soo horjeeda maalintii saddexaad, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen.

Ururka dhaqaatiirta Suudaan ayaa sheegay in uu jiro burbur xooggan oo soo gaaray illaa saddex isbitaal oo ku yaal magaalada Khartoum halkaa oo lagu daweynayo dad ku soo dhaawacmay dagaalka u dhexeeya dhinacyada iska soo horjeeda.

Waxa uu ururka uu ku tilmaamay duqeynta loo gyestey isbitaalada kuwo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah.

Labada dhinac ayaa shalay oo Axad ahayd yeeshay xabbad joojin kooban, si dadka dhaawaca ah loo daadgureeyo.
Maanta ayaa waxaa daruuro qaac ka muuqday hawada sare ee garoonka weyn ee Khartoum, iyadoo TV-ga uu soo bandhigay muuqaalo holac iyo qaraxyo ah. Ciidamada ayaa duqaymo la beegsaday saldhigyada RSF-ta, kuwaas oo qaarkood ku yaal xaafado la deggan yahay.

Dagaal ba’an ayaa ka dhacay agagaarka xarunta dalka ee Aqalka Jamhuuriga. Ciidanka ayaa sheegay in ay wali gacanta ku hayaan dhamaan saldhigyadii ay ku sugnaayeen oo ay ku jirto xaruntooda magaalada Khartoum, halkaasi oo la isku adeegsaday hubka culculus.

Dhawaqa rasaasta iyo qaraxyada ayaa kala joogsi lahayn tan iyo subaxnimadii Sabtida. iyadoo lagu qiyaasay tirada dhaawaca illaa 1,100.

Marka laga soo tago caasimadda, ciidamadu waxay sheegeen inay gacanta ku hayaan qaybaha bari ee dalka iyo dekedda muhiimka ah ee badda cas ee Port Sudan. Laakin dagaalku wuxuu ka socdaa Darfur, halkaas oo RSF ay ku xooggan tahay, iyo sidoo kale Kordofan ee koonfurta.

TV-ga dowladda Suudaan ayaa hadda hawada dib ugu soo laabtay, waxaana uu sii daayay heeso lagu taageerayo ciidamada, kaddib saacado badan oo uu hawada ka maqnaa.

Intarneedku wali wuu shaqaynayaa Laakin meelo badan ayaa korontadii ka go’day waxaana go’ay sahaydii biyaha ee guryihii, taasoo ka dhigtay in dadka ay ku dhiiradaan waddooyinka Khartoum iyagoo raadinaya biyo ay cabbaan.

Wadamada deriska ah ee Kenya, South Sudan iyo Jabuuti ayaa qorsheynaya inay madaxweynayaashooda u soo diraan si ay uga qeyb qaataan dhex dhexaadinta xiisadda, hase ahaatee taasi hadda suurtagal ma ahan, sababtoo ah garoonka ayaa xiran.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More