Duqeyn markale loo geystey bartamaha caasimada Ruushka

Aug. 18 (Jowhar.com)-Ruushka ayaa ku eedeeyay Ukraine inay weerar diyaarad aan duuliye lahayn ku qaadday dhismo ku yaalla magaalada Moscow, kaasoo sababay qarax laga maqlay guud ahaan xaafadda ganacsiga ee magaaladaas.

Duqa magaalada Sergei Sobyanin ayaa sheegay in difaaca cirku ay soo rideen diyaarada aan duuliyaha lahayn ee aan iyadoo burburkeedu uu ku dhacay xarunta Expo ee magaalada Moscow.

Waa weerarkii ugu dambeeyay ee weeraro noocaan ah lagu qaado caasimadda Ruushka.

Muuqaalo aan la xaqiijin oo laga soo qaaday baraha bulshada ayaa u muuqday inay muujinayaan qiiq ka soo baxaya hawada Moscow.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Ukraine, balse saraakiisha Kyiv ayaan waligood si rasmi ah u qiran in ay weerarro ku qaadeen bartilmaameedyada Moscow.

Duqa magaalada Moscow ayaa sheegay in markii gantaalo lagu ridey diyaarada weerarka soo qaaday ay bedeshay halkii ay ku socotay waxayna ku dhacday dhismo aan la deganayn oo ku taal Krasnopresnenskaya Embankment, aagga Moscow oo martigeliya tiro dhismayaal dawladeed ah.
Goob-jooge ku sugnaa aagga uu weerarku ka dhacay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in weerarku uu geystay Qarax xoogan.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in burburku uusan dhalin dab, halka Mr Sobyanin uu sheegay in diyaaradda Drone-ka aysan wax khasaare ah u geysan dhismaha.

Mid ka mid ah wakaalada wararka ee Ruushka oo lagu magacaabo Tass, ayaa ku warantay in mid ka mid ah darbiyada dibadda ee xarunta uu qeyb ka mid ah dumay, iyadoo soo xiganeysa ciidamada gurmadka. Waxay sheegtay in aagga ay dhibaatadu saameysey uu ahaa agagaarka 30 sq m (323 sq ft).

Gegida dayuuradaha ee Vnukovo ee Moscow ayaa sidoo kale la xiray shilka ka dib,laakiin wax yar ka dib ayaa dib loo furay.

Ilaa horraantii sanadkan, Moscow ayaan saameynin dagaalka ka socda Ukraine, balse bilihii la soo dhaafay waxaa lala beegsaday duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

30kii Maajo, dhismayaal dhowr ah ayaa la sheegay in ay waxyeelo soo gaartay mowjado weerar ah.

30kii iyo 31kii Luulyo, laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn ayaa ku burburay wejiga hore ee dhisme dhowr boqol oo mitir u jira Xarunta Expo.

Saacado ka hor weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Moscow, diyaarad Drone ah oo laga leeyahay dalka Ukraine ayaa lagu burburiyay isku day weerar oo lagu qaaday ciidamada badda ee Ruushka ee ku sugan badda Madow, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ruushka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More