Duqeynta Isra’il ee magaalada Gaza oo hal dhisme lagu diley 50 ruux

Oct 12 (Jowhar.com)-Milateriga Israa’iil ayaa duqeeyay dhismo ay dadku ku badan yihiin oo ku yaalla xerada qaxootiga ee Jabaliya ee waqooyiga Qaza, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 50 qof ayna ku dhaawacmeen tobanaan kale.

Duqeymo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay bartamaha xerada Jabaliya, ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Xamaas Eyad Bozum.

Dhismaha ayaa waxaa buux dhaafiyay tobanaan qof, oo qaarkood ay ka carareen weeraradii hore, xilliga duqeynta ay dhacaysay.

Israel ayaa sheegtay in ay tuurtay Qaza 6,000 oo bam lix maalmood oo duqeyn ah. Wasiirka Israa’iil ayaa sheegay in aan koronto, shidaal iyo gargaar bini’aadanimo aan la gelin Gaza ilaa ay Xamaas siidaayaan dhammaan maxaabiista lagu qabtay weerar aan horay loo arag ee Sabtidii ay Xamaas ku qaadeen Isra’il.

Tirada dadka ku dhintay Qaza ayaa hadda maraysa 1,417 qof, halka tirada dadka lagu dilay Israa’iil ay gaartay 1,300 oo qof.

Wararka kale ee ka dagaalka Israail iyo Xamaas ayaa waxaa ay sheegayaan in Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin uu booqan doono Israa’iil maalinta Jimcaha, wuxuuna la kulmi doonaa Netanyahu, sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal Mareykan ah.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Bliken oo booqday Israa’il ayaa sheegay in muwaadiniin mareykan ah oo gaaraya ilaa 25 ay ku geeriyoodeen dagaalkii sabtidii billowday.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa sheegay in dadka reer Gaza ay ku qasban yihiin inay adkeystaan ​​oo ay ku nagaadaan dhulkooda iyadoo lagu baaqayo in Qaahira ay u ogolaato inay si badbaado leh uga soo baxaan dadka rayidka ah ee go’doonsan.

Masar waxa ay leedahay xuduudka kaliya ee laga gudbo Gaza oo aysan maamulin Israel, waxaana ay dhexdhexaadiye muhiim ah ka ahayd xiisadda Israel iyo Gaza ee sii kordheysa ee hore.

Booliiska magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u isticmaalay banaanbaxyo lagu taagerayay Falastiin.

Dhowr boqol oo qof ayaa ka dhago adaygay mamnuucida bilayska waxayna banaanbax ka dhigeen magaalada Paris si ay u dhaleeceeyaan weerarka militariga Israa’iil ku hayo Gaza oo ay taageero u muujiyaan Falastiiniyiinta.

Dibad-baxayaasha, oo u badan dhalinyaro ka kala yimid meelo kala duwan oo taageeraya qadiyadda Falastiin, ayaa ku buufiyay ‘’Falastiin Xorta’’ taallada Place de la Republique.

Qaar badan oo garbaha gashtay calanka Falastiiniyiinta waxayna ku dhawaaqayeen, “Dhammaanteen waxaan nahay Falastiiniyiin.”

Ruushka ayaa sheegay in duqeymaha cirka ah ee Israa’iil ay ka waddo Suuriya ay ku xad gudubtay madax bannaanideeda iyo sharciga caalamiga ah ayna horseedi karto kor u kac khatar ah oo ka dhacda bariga dhexe oo dhan.

Ciidamada cirka ee Israa’iil ayaa waxyeello u geystay dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee Dimishiq iyo garoomada caalamiga ah ee Xalab.

Ruushka ayaa sanadihii u dambeeyay si dhow ula saftay madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad, isagoo si rasmi ah u galay dagaalka Suuriya isagoo taageeraya ciidamada dowladda sannadkii 2015-kii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More