Duulimaadkii Turkish Airlines ee magaalada Muqdisho oo maanta baaqday

Warar soo baxaya oo aan ka helay ilo kala duwan ayaa sheegaya in diyaaradda Turkish Airlines duulimaadkeeda saaka oo jimco ah imaan lahaa magaalada Muqdisho ay ku hakatay garoonka diyaaradaha Jabuuti.

Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaaradda uu saaran yahay Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo saaka ku soo wajahnaa Muqdisho.

Dad kala duwan oo ku sugan Garoonka ayaa u sheegay Jowhar.com in Ilaalo xooggan oo ka tirsan Nabadsugida ay saaka soo gaareen garoonka diyaaradaha, iyagoo sugayay Diyaaradda Turkish Airlines, taasoo dhalisay tuhunka ah in diyaaradda uu saaran yahay Fahad Yaasiin. Sidoo kale waxaa iyana soo baxaya warar sheegaya sababta diyaaradda Turkish ugu hakatay Garoonka Jabuuti ay tahay qalalaase laga cabsi qabo inuu garoonka ka dhaco, markii Maamulka Shirkadda Turkish iyagana ogaadeen ciidanka soo galay gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Khilaafka Madaxweynaha muddo xilleedkisiu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha xil gaarsiinta ayaa cirka isku shareeray waxaana laga cabsi qabaa in saameyn weyn ku yeelato guud ahaan dalka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More