Duulimaadyada Diyaaradaha Garoonka Aadan Cadde oo la hakiyay

Dec. 27 (Jowhar.com)-  Hey’adda Duulista Rayidka ayaa maalinta berri hakisay dhaq dhaqaaqyada duulimaadyada ee garoonka diyaaraddaha Caalamiga Aadan Cadde,sababo la xiriira imaanshaha Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Qoraal ay soo saartay Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in talaabadan loo qaaday sababo la xiriira dayactir dhinaca farsamada ah.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxaay Bulshada ku wargelinaysaa in lahakiyey diyaaradaha isticmaala Garoonka Muqdisho berito 28/12/2022, laga bilaabo 6am subax ilaa 6pm fiidkii sababo farsamo awgeed. Waxaa kaliya oo la aqbalayaa diyaadaha Ambulance ah, VIP iyo diyaaradii ciladi kutimaado.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Jabuuti uu ka qeybgalayo munaasabad xariga looga jarayo dhismaha xarunta cusub Akademiyada afka Soomaaliga laga hirgeliyey magaalada Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More