Ehelada Muqtaar Roobow oo been abuur ku tilmaamay jawaabta NISA ay ka bixiyeen Roobow

Ehelada Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa ka soo horjeestey jawaabtii ay ka bixiyeen hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliyeed xaalada n ololeed ee Muqtaar Roobow.
Ibraahim Roobow Cali oo ay walaalo yihiin Muqtaar Roobow oo wareysi siiyay laanta afka soomaaliga ee BBC, ayaa sheegay in warqadda kasoo baxday Hay’adda NISA ay ku jirtay been abuur weyn.

“Bishii Janaayo sanadkii 2019 ayaa aniga iyo xildhibaano naloo ogolaaday inaan soo aragno, markaasna wuxuu ku xirnaa xarunta hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka ee Habar Khadiijo, wixii waqtigaas ka dambeeyey maalin kasta oo booqo is dhaho waa la iga hor istaagayey,” ayuu yiri Ibraahim.

“Waxaan ogaanay inuu Muqtaar nool yahay bishii Oktobar ee sanadkan kadib markii ay wareysatay laanta afka soomaaliga ah ee VOA”ayuu sii raaciyay.

Taliyaha NISA Yaasiin Farey ayaa qoraalka uu soo saaray waxa uu ku sheegay in Roobow xaaladiisa nololeed ay wanaagsan tahay,uu nabad qabo, caafimaadkiisuna wanaagsan yahay, xaasaskiisa iyo ciddii kale ee uu dalbadana ay booqdaann sidoo kalena uu waxbarasho jaamacadeed ku jiro.

Warqadda NISA waxay jawaab u ahayd amar uu wasiirka amniga ee Soomaaliya Cabdulahi Maxamed Nuur uu ku faray in ay xaaladda Mukhtaar Roobow muddo sideed iyo afartan saacadood gudahood ah ay warbixin faahfaahsan kaga soo siiso hay’adda.

Muqtaar Roobow oo mar noqday guddoomiye ku xigeenka ururka Alshabaab ayaa muddo ka badan saddex sano waxa uu u xiran yahay nabadsugida qaranka mana jirto maxkamad la horgeeyay oo lagu soo oogay dambi uu galay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More