El-Sisi oo cafis u fidiyay siyaasiyiin caan ka ah dalka Masar

Aug. 19 (Jowhar.com)-Taleefishinka dowlada Masar ayaa sheegay in Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi uu cafis u fidiyay tiro maxaabiis ah, oo uu ku jiro siyaasiga caanka ah ee Masar Ahmed Douma.

Douma, oo 37 jir ah, isla markaana hormuud ka ahaa kacdoonkii dimoqraadiyadda ee xukunka looga tuuray Xusni Mubaarak 2011-kii, ayaa 2019 lagu xukumay 15 sano oo xarig ah,

“Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi waxa uu isticmaalay awoodiisa dastuuriga a” si uu u cafiyo maxaabiis dhowr ah oo ay ku jirto Douma”, ayuu yiri qareen Tarek Elawady, oo xubin ka ah guddiga cafiska madaxweynaha.

Qareenka xuquuqul insaanka ee caanka ah Khaled Ali, ayaa dhanka kale ka sheegay baraha bulshada inuu ku sugayay bannaanka xabsiga Badar ee duleedka Qaahira si loo sii daayo dhaqdhaqaaqayaasha.

Si la mid ah dhawr qof oo kale oo caan ka ah Masar, Douma waxa lagu xiray Mubaarak, golihii milatariga ee ku xigay, madaxweynihii hore ee Maxamed Mursi iyo el-Sisi.
Bishii hore, mas’uuliyiintu waxay sidoo kale sii daayeen cilmi-baaraha xuquuqda Masar Patrick Zaki iyo qareen Mohamed el-Baqer ka dib markii ay cafis u fidiyey el-Sisi.

El-Sisi, oo ahaa taliyihii hore ee ciidamada ee hormuudka ka ahaa in Morsi xilka laga tuuro, ayaa lagu eedeeyay inuu hormuud ka ahaa olole aan kala joogsi lahayn oo ka dhan ah dadka u ololeeya dimuqraadiyadda iyo Islaamiyiinta.

Tan iyo dabayaaqadii 2021-kii Masar waxa ay qaaday tallaabooyin ay sheegtay in looga golleeyahay in wax looga qabto xuquuqda aadanaha, oo ay ku jirto cafis loo fidiyo qaar ka mid ah maxaabiista caanka ah, balse dadka dhaleeceeya ayaa ku gacan seyray tillaabooyinkaas mid la isku qurxiyo oo ay sheegeen in xarigga uu sii socday.

Tan iyo bishii Abriil ee sannadkii hore, mas’uuliyiintu waxay sii daayeen 1,000 maxbuus oo u xirnaa arrimo siyaasadeed iyadoo aad loo hadal hayo, laakiin waxay xireen ku dhawaad ​​3,000 oo kale, sida ay sheegeen kormeerayaasha xuquuqda Masar.

Cafiska ayaa sidoo kale ku soo beegmaya bilo ka hor doorashada madaxtinimada Masar ee loo qorsheeyay 2024-ka.
Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin musharixiinta, haddana waxaa si weyn loo saadaalinayaa in musharraxa xilka haya uu ku guuleysan doono doorashada soo socota.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More