Erdogan oo ku eedeeyay Wadamada Reer Galbeedka inay hurinayaan colaada Qaza

Oct 18 (Jowhar.com)- Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa si kulul u dhaleeceeyay quwadaha reer galbeedka oo uu sheegay inay dabka ku sii shidayaan colaada ka jirta Qaza.

Ergodan ayaa bartiisa X ee hore loo oran jirey Twitter ku sheegay in , iyadoo Israa’iil ay xasuuq ka geysatay Qaza duqeymo xagga cirka ah iyo go’doomin bini’aadantinimada ka baxsan lagu hayo falastiiniyiinta,in dadaallada lagu doonayo in lagu dejiyo ay carqaladeynayaan taageerada ay siinayaan dalalka reer galbeedka ah maamulka Tel Aviv.

“Shalay xasuuqii ka dhacay Gaza waxaa loo yeelay weji kale, waxaan cambaareynayaa weerarkan oo ka dhigan dambi ka dhan ah bini’aadantinimada, isla markaana ah xasuuq ka dhan ah shacabka Gaza” ayuu yiri Erdogan.

“Hogaamiyeyaasha dabka ku sii hurinaya hadaladooda tan iyo 7-dii Oktoobar waxay mas’uul ka yihiin xasuuqii shalay ee qalbi-jabka ahaa si la mid ah kuwii fuliyay,” ayuu yiri Erdoğan, isaga oo tixraacaya hoggaamiyeyaasha reer galbeedka iyo taageeradooda shuruud la’aanta ah ee Israa’iil.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Turkiga iyo dalalka kale ee dadaalkooda ku aadan xasilinta ay carqaladeynayaan tillaabooyin ay ka mid yihiin in diyaarado xambaara loo diro gobolka, jarista gargaarka, iyo ciqaab ballaaran oo dadka lagu hayo.

“Turkiye waxay sii wadi doontaa inay ka shaqeyso sidii loo samayn lahaa xabbad joojin bini’aadantinimo iyo xasillooni waarta,” ayuu yiri.

Dhinaca Kale, Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku eedeeyay inay ka gaabiyeen inay soo saaraan qaraar ku saabsan joojinta colaada Qaza bini’aadantinimada ee dagaalka Gaza.

Mareykanka ayaa diidey qaraar qabyo ah oo ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaas oo ku baaqayey in la hakiyo dagaalka si dadka ku go’odoonsan Gaza si bini’aadantinimo ah loo gargaaro.

“Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo noqday mid aad u liita, haddana ma gudan mas’uuliyadda saaran. Waddamada reer galbeedka – kuwaas oo aan waxba ka tagin marka ay timaaddo xuquuqaha iyo xorriyaadka bani’aadamka – wax tallaabo ah oo ay qaadeen ma jirto oo aan ahayn in ay dabka ku sii shideen.”

Qaraarkan qabyada ah ee kooban, oo uu soo jeediyay wadanka Brazil, ayaa ku baaqayay dhammaan dhinacyada inay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah oo ay ilaaliyaan nolosha rayidka ah.

Ugu yaraan 3,478 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha ay Israa’iil ka geysatay marinka Gaza tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo Israa’iil 7-dii October, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda caafimaadka Ashraf al-Qudra.

12,065 kale oo Falastiiniyiin ah ayaa la dhaawacay, iyadoo boqolkiiba 70 dhibanayaasha ay yihiin haween, carruur, iyo dad da’ ah, ayay wasaaraddu sheegtay.

Ugu yaraan 1,300 oo kale ayaa sidoo kale lagu la’yahay burburka hoostiisa, oo ay ku jiraan 600 oo carruur ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More