Ergayga Madaxweynaha Arrimaha Somaliland oo la kulmay wakiilka QM ee Soomaaliya

July. 13 (Jowhar.com)-Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka u qaabilsan arrimaha Somaliland Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa kullan muhiim ah la qaatay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Catriona Laing.

kullanka ayaa diirada lagu saaray dib u billaabidda Wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland iyo sidii guulo la taaban karo looga gaari lahaa.

Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa Wakiilka ugu horeyn warbixin ka siiyay dedaalka Dowladda Soomaaliya ugu jirto suurtagallinta hannaan rasmi ah oo ay labada dhinac kuwa wadahadlaan, wuxuuna u caddeyay in DFS ka go’an tahay hirgalinta waxkasta oo muhiim u ah midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wakiilka ayuu uga Mahadceliyay doorka Qaramada Midoobay ee taageerada Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa dhankeeda soo dhaweysay dedaalada DFS, waxayna muujisay garab istaag buuxa iyo in ay Q/M diyaar u tahay ka qeyb qaadashada ka gun-gaarista wadahadallada DFS iyo Somaliland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More