Ergeyga Midowga Afrika oo ku baaqay in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya

Apr. 05 (Jowhar.com)-Madaxa hawlgalka militari ee ATMIS, ahna Ergeyga Gaarka ee Midowga Africa ee Soomaliya Ambassador Mohamed El-Amine Souef ayaa ugu baaqay saaxiibada caalamku inay garawsadaan in la joogo xilligii cunaqabteynta hubka laga qaadi lahaa Soomaaliya.
Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa shir jaraa’id oo ku qabtay ka sheegay in dhawaan shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee xaaladda Soomaaliya, uu ka sheegay in xilligan xasaasiga ah, saaxiibada caalamka oo ay ku jirto Qaramada Midoobay ay tahay inay taageero dheeraad ah siiyaan Ciidanka Xoogga Soomaaliya.

Waxa uu khudbaddiisa ku sheegay baahida loo qabo in la qaado cunaqabataynta hubka iyo rasaasta ee saaran Soomaaliya.

Danjiraha ayaa hadalkiisa ku xusay in ka qaadista cunaqabteynta hubka ee Soomaaliyaa ay u oggolaaneyso ciidamada Soomaaliya inay ATMIS kala wareegaan amniga dalka marka ay ka baxayaan Soomaaliya dhammaadka sannadka soo socda ee 2024.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More