Thursday, March 5, 2026
Home NEWS Ergeygii Qaramada Midoobe ee Soomaaliya oo xilka laga qaaday xiligan xasaasiga ah

Ergeygii Qaramada Midoobe ee Soomaaliya oo xilka laga qaaday xiligan xasaasiga ah

224

Mar 05(Jowhar)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay Ergaygii uu qaabilsanaa Soomaaliya Mr. James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka inuu noqdo Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Hawlgalka Xasilinta Qaramada Midoobay ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo (MONUSCO).

Mr. Swan ayaa xilkan muhiimka ah kala wareegaya Bintou Keita oo u dhalatay dalka Guinea, taas oo uu Xoghayuhu ku ammaanay kaalintii iyo adeeggii hufnaa ee ay ka gaysatay hawlgalka MONUSCO.

Magacaabista James Swan ayaa timid iyadoo loo eegayo khibraddiisa baaxadda leh ee dhanka diblomaasiyadda, gaar ahaan ka shaqaynta dalalka Afrikaan-ka ah ee maraya xaaladaha adag ee dhanka siyaasadda iyo amniga.

Mr. Swan waxa uu xilkan cusub ka hor ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, isagoo hoggaaminayay Hawlgalka KMG ah ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) tan iyo bishii March 2025, kaddib markii uu muddo ka soo ahaa sii-hayaha xilkaas. Sidoo kale, waxa uu horay u soo noqday Madaxa Hawlgalka UNSOM ee Soomaaliya intii u dhaxeysay sanadihii 2019 ilaa 2022.

Hawlgalka UNTMIS ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah ah u dhammaado kaddib is-afgarad dhexmaray DFS iyo QM.