Ethiopian Airlines oo hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay waqooyiga gobolka Tigray

38

Jan 29(Jowhar)-Shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay waqooyiga gobolka Tigray, kaddib markii xiisad amni oo sii xoogaysanaysa ay ka dhalatay iska-horimaadyo u dhexeeya ciidammada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka gobolka.

Go’aankan ayaa yimid xilli dadweynuhu ay si weyn u dareemeen cabsi, taasoo keentay in ay bilaabaan inay lacago ka la baxaan bangiyada, iyagoo ka baqaya in colaaddii hore mar kale dib u qaraxdo.

Ilo diblomaasiyadeed iyo kuwo dowladeed ayaa xaqiijiyay in dagaallo culus ay toddobaadkan ka dhaceen galbeedka Tigray, gaar ahaan deegaannada muranku ka taagan yahay, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in xaaladda amni ee gobolka ay mar kale faraha ka baxdo.