Wednesday, February 18, 2026
Home NEWS Ethiopian Airlines oo hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay waqooyiga gobolka Tigray

Ethiopian Airlines oo hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay waqooyiga gobolka Tigray

689

Jan 29(Jowhar)-Shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay waqooyiga gobolka Tigray, kaddib markii xiisad amni oo sii xoogaysanaysa ay ka dhalatay iska-horimaadyo u dhexeeya ciidammada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka gobolka.

Go’aankan ayaa yimid xilli dadweynuhu ay si weyn u dareemeen cabsi, taasoo keentay in ay bilaabaan inay lacago ka la baxaan bangiyada, iyagoo ka baqaya in colaaddii hore mar kale dib u qaraxdo.

Ilo diblomaasiyadeed iyo kuwo dowladeed ayaa xaqiijiyay in dagaallo culus ay toddobaadkan ka dhaceen galbeedka Tigray, gaar ahaan deegaannada muranku ka taagan yahay, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in xaaladda amni ee gobolka ay mar kale faraha ka baxdo.