Faahfaahin askar lagu diley magaalada Balcad

May 21 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay weerar ku qaadeen maqribnimadii xalay bar koontarool oo ku taal duleedka Waqooyi ee magaalada Balcad.

Iskahorimaad ka dhacay barta koontarool ayaa waxaa ku dhintey lix askari oo ku sugnaa barta koontarool oo ka mid ah meelaha laga ilaaliyo magaalada Balcad.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegay inay iska soo dhigeen dad rayid ah oo saaran baabuur rakaab kadibna rasaasku ku furay ciidamadii ku sugnaa barta Koontarool.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa sidoo kale gudaha magaalada Balcad waxaa ka dhacay qarax la dhigey goob maqaaxi ah halkaasoo ay ku dhaawacmeen afar ruux oo ka mid ahaa maamulka degmada Balcad.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad ee la xiriira weerarkii ugu dambeeyay ee xalay ka dhacay magaaladaas oo u jirta illaa 35km caasimada dalka ee Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More