Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa gaari lagu qarxiyay magaalada Kismaayo

Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan qarax miino oo lala eegtay gaari Bas ah oo ay saarnaayeen ciyaartoy ku sii jeeday garoonka kubbada cagta ee magaalada Kismaayo.

Wararka waxay sheegayaan in labo ka mid ah ciyaartoydii saarneyd baska ay dhinteen halka lix kalana ay dhaawacmeen.

Ciyaartoyda gaariga saarnaa ayaa waxaa ay ka tirsanaayeen koox lagu magacaabo JCCI oo ka dhisan magaalada Kismaayo.

Gaariga siday ciyaartoyda wuxuu ku sii jeeday garoonka kubadda cagta halkaas oo maanta ay ka bilaaban lahayd tartan kubbad cagta ah.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Kismaayo ay ka socoto doorashada Aqalka Sare.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More