Faahfaahin dilka taliyihii saldhigga booliska Beledweyne oo lagu dhex diley xafiiskiisa

Taliyahii ciidanka Booliiska magaalada Baledweyne Laba xidigle Maxamed Xuseen Maxamuud Duurdage ayaa ku dhintey iskahorimaad hubeysan oo ka dhacay gudaha saldhigga booliska magaalada Beledweyne.

Iska horimaadka ayaa ahaa mid u dhaxeeyay ciidamada Booliiska ee halkaasi hore ugu sugnaa iyo ciidamada Haramcad ee dhawaan la geeyay Baledweyne.

Iska hor imaadkaan sababay inuu dhinto taliyahii Saldhiga Booliiska Baledweyne ayaa imaaneya xili saakay Saldhiga Baledweyne lagu xiray boqolaal dadweyne ah oo ay ciidamada Haramcad howgalo ay sameyeen kaga soo qaqabteen xaafada Buundaweyn ee magalaada Baledweyne.

Magaalada Beledweyne ayaa bilihii la soo dhafay waxaa ay wajaheeysay marxalado kala duwan, waxaana qeybo kamid ah magaalada ku sugan maleeshiyaad la magac baxay kacdoonka Gobolka Hiiraan, kuwaas oo kasoo horjeeda Maamulka Hir-Shabeelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More