Faahfaahin ka soo baxaysa askari iyo xaaskiisa oo lagu diley Laascaanood

Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in koox hubeysan ay ku dileen magaalada askari ka tirsan ciidamada iyo xaaskiisa.

Sida ay sheegayaan wararka labadan ruux ayaa lagu diley meel aan ka fogeyn guri ay ka degenaayeen magaalada Laascaanood iyadoo dadkii dilka ka dambeeyayna ay baxsadeen.

Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa goobta soo gaaray, iyaga oo baaritaano ka sameeyay halka ay wax ka dhaceen.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka,iyadoo aysan weli ka hadlin maamulka Somaliland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More